Home » Qalinka Qoraaga » Aqoonyahan Caamil”Go’aanka Dowladda Ee Arinta Hirshabeelle Wayku Fududaatay Date :August 20, 2017 Author :Cali Yare Views : 269

Aqoonyahan Caamil”Go’aanka Dowladda Ee Arinta Hirshabeelle Wayku Fududaatay

Aqoonyahan Maxamed Caalim oo ku nool Dalka Filand ayaa ka hadlay Aragtidisa la xariirta Mowqifka Dowladda Federaalka  Soomaaliya ka qaadatay qalalaasaha Siyaasadeed ee Hirshabeelle waxuuna yiri.

May ahayn inay Taageerto  go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga tuureen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.

Deegaanka ay matasho maamulka hirshabeelle waxaa degan 32 Qabiil  iyo dhul badan oo  kooxda shabaabku Haystaan abaaro iyo Dagaalo soo noqnoqda oo qabaaladaga ka dhexeeya. Markaa xaaladaa oo dhan la cabiro way adag tahay wax jira in la burburiyo.

War saxaafadeed  ay dawladu soo saartay wuxuu muran galinayaa jiritaanka Dawlada Faderaalka soomaaliya ee  Tabarta yar ee aan haysan wax dhaqaalo ah oo ay ku fuliso hawl galkeeda caadiga  ah .

Waan wada og nahay wali lagama baskoonin dhaawacyadii Dagaalka sokeeye  markaa sow siyaasad Qar iska tuura maaha in la yiraahdo.

Waa in  la qabtaa  doorasho  Madaxweynaha muddo 30 cisho gudahood,  anigu maga garan dhaqankaan fudedyku  dhisan Goorta uu ka dhamaanayo siyaasada  Madaxda soomaaliya hogaamisa.

Falanqeyn tayda waxaa ku soo Gaba gabeynayaa yaaqaadanaya hadii inta wax la bur buriyey wax la dhisi waayo.

Sidaan warka ku helayo  Madaxweynaha Hiirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ku sugan magaaladda Muqdisho ayaa diiday inuu la kulmo  Madaxda ugu Saraysa Dawlada Faderaalka. iyagoo Raba inay ku qasbaan in uu xilka isaga tago.

Waxaa kaloo jira  in kulamo xasaasi ah ay ilaa xalay usocdeen Xildhibaanadda labada aqal ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Hiirshabelle, iyo madaxweyne Cosoble,

Kulamadaa oo aad la isigu khilaafay in Go’aan isku mid ah la qaato.  Arinkan Hirshabeelle waa dhaaca ku yaal wajiga hore ee Dawlada Faderaalka Mana Garanayo sida ay u sixi karto khaladka aygashay.

Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble,  si fudud iskuma dhiibi doono, lamana oga tillaabadiisa xigta waana suura Gal ah in uu Baladweyne xarunka dhigto.  Arinkaa ayaa  u banaan.

 

Ceelhuur.com

Blog Stats

  • 412,500 hits

Leave a Reply