Markaan eegay/arkay:- Xaaladda Galmudug ee murugsan una dhaxeysa burbur iyo badbaado 50%. Hirshabelle oo ka horeysay, Caga adagna aan ku taagneyn weli. Koofur-galbeed oo Mucaarad-keedii bilaabeen hawl-gal. Puntland oo Odayaashii iyo Isimadii bilaabeen kacdoon ka dhan ah Maamulka iyo heshiisyadii uu galay. Jubbaland oo baaqii ay soo saartay iyo abaabulka Maamulada oo ay dhibsatay Dowladda Fedaraalku. Soomaaliland oo Ololaha Doorashada, hadal-haynta dad-weynaha iyo dhammaadka jadbadii gooni isu-taaga ay muujinayaan Isbedel!.
Waxey i xasuusisay Kacaankii Maxkamadaha 2006. Kadib markii Ragii loo aqoon-jiray Hogaamiye-kooxeedyadii dawlad loogu dhisay Embagathi, lagana dhigay Xildhibaano iyo Wasiiro lkn dawladii ku filnaa-weyday ama ku qanci-waayeen, kadibna xirteen shaati QABQABLE-nimo, kuna dhawaaqeen “Isbahaysigii la dagaalanka arga-gaxisada” una Qaraab-tageen Mareykan iyo Dowwladihii la dagaalamayey Argagaxisada! Lkn Sun-Dhurwaa ayuu ku noqday Qaraabkii!
Waxuuna soo dedejiyey Kacaankii Maxkamadaha iyo in ay hal mar ka baxaan Khadka. War-murtiyeedkii kasoo baxay Maamul-gabaleedyada wuxuu u ekaa Isbahaysi ka dhan ah Dastuurka iyo Dowladda Fedaraalka, wuxuuna abuuri karaa hadii aan laga hortagin Kacaan Dawlada iyo Maamulada mid ku baxo ama ay ku wada baxaan.
Maamul-gabaleedyadu kuma dhisna Sal ama Tiir Dastuuri ama Sharci ah ee waxey ku shisan-yihiin heshiis Siyaasadeed oo dhexmaray Dowladihii hore ee Fedaraalka iyo IGAD, waxaana taageeray ama aqoonsaday Xafiiska UN ka ee Somaliya, dantii laga lahaaba!. Markii la ridayana Sharci ama Dastuur looma cuskanayo ama looma marayo ee waxaa loo Cuskanayaa in ay ka hor yimaadeen heshiiskii lagu dhisay! Mana noolaan karaan badankood Fedaraal la’aan, xattaa hadii ay helaan Qaraab fiican iyo Ciidan Shisheeye oo ilaaliya, sababtuna waxey u baahanyihiin Sharciyad Dowladeed.
Geba-gebada Qormada waxaa ii muuqda; 1. In Dowladdu aysan kaligeed xoog kusoo celi karin; Midnimadii, kala-danbeyntii iyo hay’badii Dawlada Dhexe, sidii Kacaankii October 1969, ama kii Maxkamadaha 2006, waxna aysan tareyn Cali ka qaad ee Waare u dhiib ama Xaaf ka qaad ee hebel u dhiib hadii aan Nidaamka iyo Qaab-dhismerdka wax laga bedeli karin. 2. In Madaxda Gobalada aysan wax u tareyn Qaraab Imaaraat hadii uu wax tari waayey kii Mareykan, Qofna aysan ka yeeleen in ay dalka kala goo-gooyaan ama ay cadow u loogaan. 3. In Talada iyo wax ka bedelida Xaaladaan looga baahanyahay in ay ka qeyb-qaataan dhammaan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan; Hay’adaha fedaraalka, Axsaabta, Siyaasiyiinta, Bulshada-Rayidka iwm.
Waxaana ku Talin-lahaa in la isu tanaazulo marxaladaan, xoogana la saaro Qabya-tirka Dastuurka oo aysan Ajnabi danbe noo qorin iyo Hay’ado awood sare leh oo noo matala Dawlada dhexe, Amarka iyo Tusaalahana laga qaato. Dawladna laguma wadi karo; Madal, Shirar, Isbahaysi, Baryo, Madax-salaax iwm, ee waa in la dhisaa hay’ado dowladeed oo leh awoodo kala sareeya.
W/Q:Dr. Mohamed Gacal