Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada ayaa sheegay in maalinta Axada oo ku beegan taariikhda 8 October ah uu Kismaayo ka furmayo shirka maamul goboleedyada.
Shirka oo lagu waday in Todobaadkan uu furmo ayaa arrimo farsamo iyo xaalado siyaasadeed uu dib ugu dhacay, markii qaar ka mid maamul goboleedyada ay shaki geliyeen.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horay ugu baaqay shirka, isagoo ku casuumay madaxda maamul goboleedyada inay ka soo qeyb galaan, si ay uga wada hadlaan xal u raadinta Khilaafka Dowlad Goboleedyada qaar iyo Dowlada Dhexe.
Hase ahaatee Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Camey ayaa shirka Kismaayo ku tilmaamay mid aan maslaxad u aheyn umadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in shirka dib loo dhigo, waxaana uu talo ahaan u soo jeediyay in sidii awal Muqdisho la isugu tagi jiray la isugu tago.
Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa tuhun badan ka qabta shirkan, waxaana ay u aragtaa in maamul goboleedyada oo keligood kulma ay caqabad ku noqon karto awoodii dowladda dhexe ee jaangoynta arrimaha siyaasada dalka.
Waxaa kaloo dowladda u aragtaa ka qeyb galka shirkaas ee Madaxweynaha Galmudug in awood badan siineyso, maadaama kacdoon siyaasadeed ku furan yahay, isla markaana horay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen
Qaar ka mid ah Maamul goboleedyada ayaa ka horyimid go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa ee dowladda Federaalka ka qaadatay Xiisada Khaliijka, iyagoo la saftay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa xilligan qasan, iyadoo xubno ka tirsan dowladda ay wadaan olole ka dhan ah Madaxda maamul goboleedyada, taasoo saameynteeda laga dareemay xarumaha maamul goboleedyada qaar.