Wararkii ugu danbeeyay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Boosaaso

Uncategorized

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu geystay Ruux la sheegay in uu gaari gacan ku waday waxyaabaha Qarxa.

Saraakiisha Ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyay in qofkaasi uu ku qarxay Afaafta hore ee Saldhiga halka Markii hore Dad goobta ka ag dhawaa ay sheegeen Qaraxu ka dhacay Hotel Bootaan

Waxa ay xaqiijiyeen Saraakiisha Amniga in Qaraxaasi uu ku dhintay Shaqsigii waday Gaari gacanka oo kaliya.Waxaa uu sidoo kale jira dhaawacyo afar qof Shacab ah kuwa oo loo qaaday Xarumaha caafimaadka Magaalada Boosaaso.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay joojiyeen ninka isqarxiyay , islamarkaana uu diiday kadibna uu qarxay.majirto wili cid sheegatay Masuuliya weerarkan Walow Ururada Daacish iyo Al-Shabaab ay Qaraxyo iyo dilal dhacay Gobolka Bari horay u sheegeen.