Xildhibaan Xidig”Majirto Cid ka Macaashtay Duminta Dowladdii Dhexe

Uncategorized

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo Doorashadii 2016 u tartamay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay Waraysi uu Dhawaan bixiyay Xidhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ay kuwada jiraan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay hadal kasoo yeeray Axmed Macalin Fiqi oo ahaa in Reer Galmudug yihiin Dadkii Dumiyay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxuu sheegay inaysan jirin cid ka macaashtay Burburinta Dowladdii Maxamed Siyaad Bare.

Xidig waxuu itaas ku daray in Fiqi uu Fasiraad dheer ka bixiyo hadalkaas asagoo xusay in Kalmadaasi aysan hayn wax loogu hanjabi karo Madaxweyne Farmaajo

Warka kasoo baxay ayaa ahaa sida tan”Saxibkay xildhiban Ahmed Moalin Fiqi, Waxan dhageystay Waraysi aad bixisay oo fasiraado kala duwan laga bixiyay, balse inta badan bulshadu u fasirtay hanjabaad ku socota Madaxweyne Farmajo iyo Faan ahaa in Beeshaadu dumisay Dowladi kacaanka.

Hadiiba shacabka soomaaliyeed Iska ilaaway cidii masuulka ka ahayd Dagaalkii sokeeye looma baahna in Dadka somaliyeed la xususiyo xiligii adkaa ee lasoo maray  iyo cidii masuulka ka ahayd mana jirto cid mahadisay oo ka faaiiday.

Arinta Galmudug iyo Guud ahaan Dowlad Goboleedyada waa  Danbi Qaran hadii leysku dayo in la burburiyo ama la khalkhaliyo dhamaanteena waxan u taaganahay ilaalintooda iyo kobcintooda.

Anigu markaan Qiimeeyay xaalada hada jirta iyo mushkiladaha  midiba mida  kale kasii daran tahay ee mudo kooban Taliska Madaxweyne Farmajo soo foodsaaray  waxaa ka muuqda waayo aragnimo la,aan  iyo talo xumo aan filayo inay sabab u yihin Shakhsiyaad aad ugu dhaw madaxweynaha oo  isaga ruuxiisa fashilinaya Xaalad kastana ka dhigaya DAB BAASIIN KU DAMI.

Ugu danbayn Madaxweyne Farmaajo wuxu si fool xun u dhex dabaalanayaa mowjado midiba mida kale kasii adagtahay waxaanse saxibkay fiqi u sheegayaa Farmaajo waa  la dhaliili karaa lakiin looma hanjabi karo,

sidaas darteed waxaan  kuu soo jeedinayaa  inaad fasirad ka bixiyo  ujeedada hadalkaga . Hadad ula jeedo sida loo fasirtayna aad raali gelin degdeg ah ka bixiyo. Waana in laga wada shaqeeyo midaynta shacabka iyo dayactirka dhismayasha uu wali ka muuqdo burburku.