Golaha wasiirada oo maanta xilkii ka qaadeen Xisaabiyihii guud ee Dowladda Soomaaliya

Wararka Maanta

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka dalka, Warbixin ku saabsan shirkii New York, xilka qaadis ay sameeyeen Golaha Wasiirada iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Golaha siiyey warbixin dhanka amniga ah sheegeyna in ammaanka uu aad u fiican yahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay shirkii uu uga qeyb galay New York, wuxuuna sheegay aduunyadu in ay u heelan tahay Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale intii uu socday kulankooda waxa ay Caalamka ka codsadeen in Dowladda laga cafiyo lacagaha lagu leeyahay, si dalka uu hormaro u gaaro.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay xilkii ka qaadeen Xisaabiyihii guud ee Dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Siraaji, islamarkaana xilkaasi loo magacaabay Xisaabiye cusub oo lagu magacaabo Faadumo Cismaan Faarax

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa shirka kadib warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay.