Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka oo la xiray

Guddoomiyaha golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warqad wargelin xeritaanka kalfadhiga 5-aad ah u diray dhamaan xildhibaanada golaha shacabka. Warqada ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa si rasmi ah loogu xeray kalfadhiga 5-aad ee golaha, kalfadhiga 6-aad ayaa la furi doonaa 27 September 2019.

Continue Reading

RW ku-xigeenka oo Somaliland uga mahadceliyay soo dhaweyntii Odoyaasha Hawiye

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee Madaxweynaha Somaliland kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war […]

Continue Reading

Gudoomiye Mursal oo ka qeybgalaya Shirka Afhayeenada Barlamaanada Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo Dalkaasi Koonfur Afrika. Shirkaasi waxaa ku sugan guddoonada baarlamaanada dalalka Afrika,kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika […]

Continue Reading

10 Xaqiiqo oo ku Saabsan Shirka Nabadda Hobyo

Shirweynaha Nabadda ee Beelaha Habargidir ayaa la filayaa inuu maanta oo Isniin ah 4/8/2019 ka furmo degmada Hobyo gobolka Mudug. Inta badan ergadii ka qeyb gali laheyd shirka ayaa ku sugan Hobyo, waxaana si wanaagsan u martigaliyey bulshada reer Hobyo. Hadaba halkaan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa 10 Xaqiiqo oo ku Saabsan Shirka Nabadda Hobyo: […]

Continue Reading

Al-Shabaab oo soo bandhigay Odayaashii ay cafiska u fidiyeen (Sawirro)

Al-Shabaab ayaa soo bandhigey sawiradii ugu horeeyay oo muujinaya qaar kamid ah odayaashii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka federalka iyo ergadii oo iska diiwaangeliyay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan. Odayaashan oo ka tagay degaanada ay ka arrimiyaan Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxaa halkaas towbada loogu qabtay illaa 86 oday sida ay sheegtay Al-shabaab. Mas’uuliyiin ka […]

Continue Reading