Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo Aas-Qaran loogu sameeyey Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow). Diyaaraddii sidday marxuumka isagoo ka shaqeynaya horumarinta iyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa […]

Continue Reading

Kheyre oo 40 cisho kadib ku laabtay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ka dib 40 cisho oo uu ku sugnaa deegaanada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii uusan ka tagin Dhuusamareeb booqday ciidanka Kumaandoosta Danab oo maanta la wareegay Amniga garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb. Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa deegaanada Galmudug ayaa caqabad badan […]

Continue Reading

Isbadal lagu sameeyey Taliska Qeybta 21aad.

Taliska Ciidanka xoogga Dalka Ayaa Isbadal ku sameeyey Taliyaha iyo Abaanduulaha Qaybta 21aad. Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad ayaa loo Magacaabey G/Sare Cabdicasiis Cabdullaahi Kheyre (Qooje) oo horey u ahaa Taliyaha Danab Qeybta 21aad, halka Abaanduulaha Qaybta 21aad loo Magacaabey Dhamme Aadan Siyaad Cabdi. Sidoo Kale Taliyaha Danab Qaybta 21aad ayaa Loo Magacaabey Dhamme Muqtaar […]

Continue Reading

RW Khayre Oo Guddoomiyay Shirka Amniga Magaalada Dhuusameeb

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shirka amniga Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay ka qayb galeen dhammaan hay’adaha amniga heer federal ee lagu wareejiyey Amniga magalaada Shirka ayaa aad looga hadlay Qorshaha sugida amniga caasimadda caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb, Diyaar garowga sugida amniga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, Amniga garoonka diyaaraha […]

Continue Reading

Taariikh Nololeedka Eng. Cabdiraxmaan Yariisow

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow waxa uu ku dhashay degmadda Hodan ee gobolka Benaadir  16 kii August  1965kii.Waxbarashadiisa dugsi hoose,dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena  ka qalin jebiyey jaamacadda Gaheyr ,kuliyadda Civil Engineer sanadkii 1986kii. Shaqooyinkii uu soo qabtay Dawladda Hoose ee London intii u […]

Continue Reading

Odayaasha Dhaqanka Saleebaan oo ka Jawaabay Hadalkii C/raxmaan Baadiyo (Video)

Odayaasha Dhaqanka beesha reer Xaaji Saleebaan oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa ka jawaabay hadal uu sheegay Gudoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Baadiyow. Odayaasha ayaa sheegay in Baadiyow ku been abuurtay, uuna Sheegay in ay reer Cadaado isla garteen in ay ka qeyybgalaan shirka Dhuusamareeb. hadaba halkaan […]

Continue Reading

Gudoomiyihii G. Banaadir Eng. Yariisow oo geeriyooday

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Warbaahinta Qaranka u Xaqiijisay Geerida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow. Marxuum Eng. Yariisow ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Doha ee Dalka Qatar, halkaasi oo Muddooyinkii dambe lagu dabiibayey, kadib markii uu ku […]

Continue Reading

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun dil ah ku ridday xubin ka tirsan Daacish (Video+Sawirro)

Maxkamadda darajada 1aad ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay danbiile Daacish Aadan Max’ed Cali kadib markii lagu helay falal dilal ah oo uu ka gaystay gobollada Bari iyo Banaadir. Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo C/Shakuur Xaaji Barsanji, kadib markii lagu waayay wax danbi […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo ka tanaasulay Dhalashadii Maraykanka.

WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN CELINTA JINSIYADDII LABAAD EE MADAXWEYNE FARMAAJO Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka. Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen […]

Continue Reading

Ciidan lagu soo tababaray Turkiga oo yimid Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Ammar dambe), ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Cutubka ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka oo tababar kusoo qaatay Dalka Turkiga. Wasiirka oo ay wehliyaan ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga ee Soomaaliya, ayaa Ciidanka ku bogaadiyay […]

Continue Reading