10 Xaqiiqo oo ku Saabsan Shirka Nabadda Hobyo

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirweynaha Nabadda ee Beelaha Habargidir ayaa la filayaa inuu maanta oo Isniin ah 4/8/2019 ka furmo degmada Hobyo gobolka Mudug. Inta badan ergadii ka qeyb gali laheyd shirka ayaa ku sugan Hobyo, waxaana si wanaagsan u martigaliyey bulshada reer Hobyo.

Hadaba halkaan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa 10 Xaqiiqo oo ku Saabsan Shirka Nabadda Hobyo:

  1. Shirweynahan waa mid dhaqan oo ka madax banaan Siyaasad, waxaana shirkan beelaha Habargidir uga arinsanayaan masiirkooda.
  2. Abaabulka Shirkan ayaa kasoo bilowday Magaalada Muqdisho, waxaana kaalin fiican ku lahaa qurbojoogta.
  3. Waxaa shirkan si rasmi ah uga qeybgalaya 250 Ergo oo kala yimid shanta beelood. Waxaana ku wehlinaya guddiyada fududeynaya shirka iyo korjoogto kale.
  4. Ka qeybgalayaasha shirkan ayaa ka kala yimid degmooyinka Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Cadaado, Ceelbuur, Xarardheere iyo Hobyo. Sidoo kale wafdi culus ayaa ka yimid Muqdisho iyo dibadda dalka.
  5. Shirweynahan waxaa uu ka dhacayaa hool weyn oo laga diyaariyey Dugsiga Hoose/Dhexe degmada Hobyo.
  6. Xogaha Taariikhda ayaa tilmaamaya in Shirweynihii kan ka horeeyey ee beelaha Habargidir uu ka dhacay deegaanka Ceelhuur gobolka Mudug 1927kii.
  7. Inta shirweynuhu socda waxaa kulamo gaar ah yeelanaya beelaha dhexdooda.
  8. Shirkan waxaa maalgaliyey beesha Habargidir, si looga madaxbaneeyo faragelin siyaasadeed.
  9. Ammaanka shirkan waxaa sugaya ciidamo isugu jira Boolis iyo Milatari, waxaana la adkeeyey ammaanka guud degmada Hobyo.
  10. Shirkan gabangabadiisa  ayaa laga filayaa inuu kasoo baxo hoggaan iyo xeer ay ku mideysan yihiin beelaha Habargidir.

Aragtidaada ka dhiibo