Wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Nabad Suggida iyo ciidan ka tirsanaan jiray Nabad Suggida, balse hab qabiil isku aruursaday.
Dagaalka ayaa waxaa lagu qaaday guri ay ku sugnaayeen ciidan Isgoyska Sanca horay ugu dilay laba askari, sidoo kalena ka qaatay qoryihii ciidankaasi ay isticmaalayen, sida Saraakiisha ay xaqiijiyeen.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in ciidamada NISA ay u dhaceen halkii ay ku sugnaayeen raggaasi, kadibna uu dhacay dagal labada dhinac dhexmaray, kaasi oo sababay ugu dambeyn inay halkaasi ku geeriyoodaan laba ka mid ciidankii la weeraray.
Saraakiisha ciidamada NISA ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen afar ka mid ah dadkii ay ku weerareen guriga, kuwaasi oo hubaysnaa.
Ciidamadan ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay ahaan jireen ciidan NISA ka tirsan, balse qaab qabiil ay isku abaabuleen.