Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka oo la xiray

Wararka Maanta

Guddoomiyaha golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warqad wargelin xeritaanka kalfadhiga 5-aad ah u diray dhamaan xildhibaanada golaha shacabka.

Warqada ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa si rasmi ah loogu xeray kalfadhiga 5-aad ee golaha, kalfadhiga 6-aad ayaa la furi doonaa 27 September 2019.