Ajax ayaa u magacawday macalinka cusub ee kooxda tababarihii hore ee naadiga FC Utrecht ee Erik ten Hag .
47 jirkaan ayaa qaban doona kooxda Eredivisie 1da Janaayo, isagoo heshiis labo sanno iyo bar ah ku qaadanaya kooxda Johan Cruyff Arena.
Ten Hag wuxuu bedelay Marcel Keizer kadib markii la ceyriyay isagoo kaaliye ka ahaa Dennis Bergkamp horaantii bishaan.
Ten Hag ayaa la wareegi doona kooxdii horay uga soo dhacday Champions League iyo Europa League xilli ciyaareedkan, halka ay 5 dhibcood ka danbeeyaan hogaamiyayaasha PSV Eindhoven.
Macalinka reer Holland ayaa la soo shaqeeyay Pep Guardiola xiligii Bayern Munich ka hor inta uusan ku biirin Utrecht 2015, isagoo u dhiibay kaalinta shanaad iyo KNVB Beker xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay .
Ten Hag, oo loo magacaabay Tababaraha Eredivisie ee Sanadka 2016, wuxuu qaban doonaa kulankiisii ugu horeeyay ee Ajax ee ka horimaanaya kooxda Feyenoord 21ka Janaayo.