Arsenal Oo Dib U Soo Nooleeyneysa Xiisaha Ay U Hayso Riyad Mahrez

Ciyaaraha

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay dib u soo ceshato tartanka loogu jiro saxiixa kubad sameeyaha kooxda Leicester City Riyad Mahrez.

xagaagii hore, Arsenal ayaa ka mid aheyd dhowr kooxood oo xiiseynayay Mahrez, kaasoo doonayay inuu ka tago King Power Stadium si uu u qaado tartan cusub.

Xiddiga Algeria ayaa ugu danbeyn la sii joogay Foxes laakiin sida uu qabo Le Buteur, Gunners ayaa diyaar u ah inay bilowdo xiiso kale oo ay ku soo xiro galiso 26 jirkaan.

Mahrez ayaa dhaliyay lix gool iyo shan caawiye oo ka mid ah 20 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, Claude Puel ayaa u muuqata mid aan dooneynin inuu iibiyo hantida kooxda ugu qiimaha badan.

Si kastaba ha ahaatee, halka Mahrez uu weli heysto laba sano iyo bar oo  qandaraaskiisa ah, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaan u muuqan doonin inuu doonayo inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo, Leicester ayaana qadarin doonta dalab kasta oo dhab ah.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa isha ku haya inuu bedelo mustaqbalka Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez, oo kaliya lix bilood ka hartay heshiisyadooda haatan.