Inter Milan Oo La Soo Wareegaysa Andreas Christensen Bisha Janaayo

Ciyaaraha

Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee Chelsea Andreas Christensen.

21 jirkaan ayaa ku soo laabtay Stamford Bridge xagaagan ka dib markii uu xilli ciyaareed amaah ah kula qaatay kooxda Bundesliga Borussia Monchengladbach.

Christensen ayaa lix kulan oo Premier League ah u saftay Chelsea xilli ciyaareedkan, halka uu sidoo kale ka muuqday seddex ka mid ah afartii kulan ee Champions League.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa soo jiitay qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkii hore  , waxaana kooxda reer Talyaani ay ka fiirsaneysaa inay u dhaqaaqdo bisha Janaayo.

Christensen ayaa ugu soo biiray nidaamka dhalinyarada Chelsea ee Brondby sanadkii 2012