Gaari nooca raaxadda ah oo maraayay duleedka deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa xalay fiidkii lagu duqeeyay deegaankaasi.
Duqeyntan ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nooca raxada ah oo ku soo socday dhanka magaalada Muqdisho, wuxuuna maraayey Tuulada Maracadde oo ay maamulaan Al-shabaab una dhaxeysa deegaannada Cadow Dibille iyo Xaawo Cabdi, iyadoo ay ku dhinteen dadkii la socday.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gaarigan duqeynta lala eegtay looga shakisan yahay in laga soo buuxiyey walxaha Qarxa, kuna soo socday Muqdisho.
Ma jirto faah fahinno intaan ka dheer oo laga helay gaarigan lagu duqeeyay Shabellaha Hoose, balse diyaaradaha Maraykanka ayaa sidan oo kale duqeymo uga geystay gobolka Shabellaha Hoose.
Gaariga la duqeeyay ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen dhamaan xubnihii la socday, sida masuuliyiinta Gobolka ay sheegeen.