Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada oo xilkii laga qaaday

Wararka Maanta

Screenshot_2017-03-20-14-46-59-1

Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Shador Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka laga qaaday, waxaana Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa raggii qeybta weyn ka qaatay ololihiisa dhinaca warbaahinta iyo mida baraha bulshada ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed(Farmaajo) oo 8-dii Bishii Februay ku guuleystay Xilka Madaxweynaha Soomaliya kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa isbadalo ku sameynaya maamulka Madaxtooyadda Soomaliya,waxa jira mas’uuliyiin kale oo lagu wado in xilalka laga qaado mudooyinka soo socda.