Golaha Wasiirada cusub oo goor lagu dhawaaqayo

Wararka Maanta

Saxaafadda ayaa goordhow looga yeeray aqalka Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub.

Xalay ayaa mar looga yeeray saxaafadda Madaxtooyada inkastoo markii dambe lagu wargaliyey in ay dib u dhacday, xaakumadan la filayo in la magacaabo ayaa waxaa u badnaan doontaa wajiyo cusub.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa 23 bishii hore la magacaabay, waxaana 1 bishan helay kalsoonida barlamaanka, waxaana xukuumada la filayo in maanta la magacaabo ay soo martay la tashiyo badan oo dib u dhigtay in la xilli hore la shaaciyo.