Howlgalo Amni oo laga Sameeyey Muqdisho

Wararka Maanta

Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa xalay waxa ay hawlgal ka sameeyeen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, hawlgalkaasi oo ah mid ammaanka lagu xaqiijinaayay.

Hawlgalka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, halkaasi oo Ciidamada ammaanka ay ka qab qabteen tiro dhalinyaro ah.

Dadka la qabtay ayaa u badnaa dhalinyaro isaga caweynaysay maqaayado ku yaallo Xaafadda Taleex, waxaana mar kaliya ay ka war heleen ciidan badan oo dadka qab qabanaya.

Dadkii la qabtay ayaa waxaa la isugu geeyay Barxad ku taallo Xaafadda Taleex, halkaasi oo lagu kala saaray, kuwii laga shakiyayna waxaa loo gudbiyay Xarunta dambi baarista Ciidanka Booliska ee C.I.D.

Maalmahan dambe Degmooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa laga sameeyaa hawlgaladii dadka faraha badan lagu soo qaban jiray ee xilligii hore Ciidamada Nabad Suggida ay ka sameyn jireen Muqdisho.