Shirkii Nairobi Oo Baaqday Iyo Wasiirka Batroolka Soomaaliya Oo Ku Sugan Norway

Wararka Maanta

Qaban-qaabiyeyaasha shirkii shidaalka iyo Gaaska ee lagu waday in uu ka dhaco Nairobi bisha March ee sanadka soo socda ayaa baajiyay kadib markii ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen kala hadal iyo maamul xumo.

Qoraal ka soo baxay kooxdan December 8,  waxaa lagu sheegay in shirkadaha Amsas iyo IRN  ay baajiyeen shirkii Nairobi iyaga oo intaasi ku daray in ay qaban-qaabin-doonaan shirar kale haddii fursadda u helaan.

Hadaba, Iyada oo shirkaasi maalgelinta shidaalka iyo Gaas-ka Soomaaliya ee Nairobi la baajiyay ayea ogaaday in xilligan Wasiirka Batroolka & Macdanta Xil. Eng. Cabdirashiid  Maxamed Axmed  uu ku sugan yahay Stavanger, Norway, magaaladan waa magaalada 3aad ee ugu weyn dalka Norway, waxaa ay dadka ugu yeeraan caasimadda shidaalka Yurub.

Xil. Eng. Cabdirashiid  Maxamed  Axmed Wasiirka Batroolka & Macdanta,  waxaa uu wada hadal kula jiraa shirkado shidaal oo la filayo in ay maal-geshi ku sameystaan dhulka Soomaaliya.

Sida ay qortay World Energy Cities Partnership (WECP) magaalada  Stavanger ee dalka Norway waxaa xarunta illaa 300 oo shirkad, kuwaas oo maalgeshi ku sameeya Batroolka & Macdanta.

#Goobjoog News