Madaxweyne Farmaajo oo todbaadkan Booqanaya Kenya

Wararka Maanta

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu dhawaan ku tagi doono Magaalada Noirobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Khamiista 23 bishan tagi doono dalka Kenya si uu uga qeyb galo Shirka looga hadlaayo Qaxootiga ee ay yeelan doonaan Madaxda Urur goboleedka IGAD. inkastoo Madaxweynaha Kenya oo safar aan lagu wargalin dowladda federaalka ku tagay Dhoobleey Soomaaliya, taas oo xumeyn karta xiriirka labada dal.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Urur goboleedka IGAD. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Booqashadii ugu horaysay ku tagay dalka Sacuudiga tan iyo markii la doortay 8-dii Bishii February.

ka hor bixitaanka Madaxweynaha ayaa la filayaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre inuu ku dhawaaqo xukuumadiisa oo ka kooban sida la sheegayo 25 wasaaradood.

Farmaajo ayaa safarkiisa labaad ku aadaya dibadda isagoon aan booqan goobaha abaaruhu ka jiraan ee gobolada dalka, waxaana dad badani ku dhaliilayaan inuu ku mashquulay safaradda dibadda iyo dhismaha xukuumadda.