Federaalka Feertee xanuunee?

Dowlada Federaalaka ayaa tiri: Anagu dhaxdhaxaad ayaan ka nahay arrimaha walaalaheena Carbeed. Inksta oo la dareemi karay in ay dhina Qatar u janjeerto.waana tan keentay in maamul gobaleedyadu ay yiraahdaan anagu waxaan la jirnaa isbaheeysiga sucuudiga.( waa yaab in maamul gobaleed xiriir Dibadeed ka hadlo ama uu Gobalo magacaabo, ama uu heshiisya caalamiya uu galo).taa […]

Continue Reading

G. Banaadir oo codsaday in 25% laga siiyo Daqliga Dekadda Muqdisho

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta ka qeybgalay shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliyee, isagoo uga warbixiyey horumarka iyo caqabaddaha Gobolka Benaadir iyo Dowladda Hoose Muqdisho oo u adeegta tirada ugu badan shacabweynaha Soomaaliyeed. Gudoomiyaha ayaa Golaha ka codsaday la kordhiyo qoondada Gobolka Banaadir ka helo Dekedda Muqdisho, halkii ay […]

Continue Reading

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Sharicga La Dagaalanka Argagaxisada, laguna go’aamiyey in Dhabaha Diyaaradaha ku soo degaan 150 mitir aan la degi karin iyo arrimo kale. Muqdisho, 17 August 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyey Cadaado

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado fadhiga Galmudug. Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cadaado, Madaxweyne ku xigeenka, gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka, wasiiro, xildhibaano, ciidan iyo bulshada rayidka ayaa soo dhaweeyey, waxaana loo galbiyey xarunta Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu howlo shaqo […]

Continue Reading

R/Wasaare ku xigeenkii hore oo geeriyooday

Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Mareykanka oo muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaayay. C/raxmaan Jaamac Barre, ayaa ku geeriyooday magaalada San Diego ee gobolka California, sida ay xaqiijiyeen ehelada Marxuumka oo Warbaahinta la hadlay. Cadiraxman Jamac Barre ayey da’diisu aheyd 79 sano, Wuxuu xilal ka soo qabtay dowladii […]

Continue Reading

Weerar dad lagu laayey oo ka dhacay Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari marayey agagaarka isbitaalka Digfeer Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, Gaari dadka lagu laayey ayaa waxaa saarnaa 7  ruux oo isku qoys ah, ilaa 2 ayaa dhintay, halka 5 kalena dhaawacmeen, dableyda ayaa goobta ka baxsaday . Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fataax Bishaar oo la hadlay saxaafadda aayaa sheegay in […]

Continue Reading

Talyaaniga oo Wiil Soomaaliyeed u xiray Burcadbadeednimo

Booliiska dalka Talyaaniga ayaa Xabsiga u taxaabay Muwaadin Soomaliyeed oo ay ku eedeeyeen in uu ka mid yahay Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee Markaakiibta kaa afduubta Xeebaha Soomaaliya. Muwaadinkaan Soomaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed faarax,waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkaasi sitahriib ah ku tegay islamarkaana weeydiistay Magangelyo. Maxamed Faarax oo ah […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo “DFS waxaa ka go’an inay ciribtirto cudurrada dilaaga ah”

Muqdisho,13 Ogosto 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabeysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabad dowladdu ay kusoo bandhigaysay mira-dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabeysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda […]

Continue Reading