Sawirro: Madaxweyne Farmaajo “DFS waxaa ka go’an inay ciribtirto cudurrada dilaaga ah”

Wararka Maanta

Muqdisho,13 Ogosto 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabeysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabad dowladdu ay kusoo bandhigaysay mira-dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabeysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen higsigoodii ku aaddanaa ciribtirka cudurkan dilaaga ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay sida ku cad Qorshaha Horumarinta Dalka.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka iyo laamaha caafimaadka in ay u wada istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa in mar kale cudurka dabeysha aanu kusoo laaban dalkeenna.

Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah ayaa ku timid dadaallo isdaba joog ah oo soo socday in ka badan 30 sano.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia-

FB_IMG_1502636902747 FB_IMG_1502636906034 FB_IMG_1502636909354 FB_IMG_1502636914175 FB_IMG_1502636917438 FB_IMG_1502636921235 FB_IMG_1502636924466