G. Banaadir oo codsaday in 25% laga siiyo Daqliga Dekadda Muqdisho

Wararka Maanta

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta ka qeybgalay shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliyee, isagoo uga warbixiyey horumarka iyo caqabaddaha Gobolka Benaadir iyo Dowladda Hoose Muqdisho oo u adeegta tirada ugu badan shacabweynaha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa Golaha ka codsaday la kordhiyo qoondada Gobolka Banaadir ka helo Dekedda Muqdisho, halkii ay horey uga aheyd 15% kaliya ayaa Dakhliga Dekedda Xamar laga siiyw Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa yiri: ” Si aan u horumarino adeegga aasaasiga ee Bulshada Gobolka Banaadir waxaan codsanaynaa in 10% qoondada loo kordhiyo Gobolka Banaadir si ay u noqoto 25%”.

Dekedda Muqdisho oo ah isha ugu dhaqaalaha badan guud ahaan dalka, ayaa waxaa inta badan dhaqaalaha kasoo xarooda loo isticmaalaa adeegyada dowladda Dhexe, halka dekada kale dalka aysam dowladda dhexe wax dhaqaale ah ka helin.