Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyey Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado fadhiga Galmudug.

Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cadaado, Madaxweyne ku xigeenka, gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka, wasiiro, xildhibaano, ciidan iyo bulshada rayidka ayaa soo dhaweeyey, waxaana loo galbiyey xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu howlo shaqo ku maqnaa, dhawaan gargaar soo gaari doono deegaanada Galmudug, oo abaar daran ka jirto.

Mr. Xaaf ayaa waxaa buuxsamay 100 maalmood, waxaa 18 bishan ku eg waqtii dheeraadka ahaa ee barlamaanku siiyey inuu ku soo dhiso golaha wasiirada iyo wada hadalada Ahlu sunno, mana muuqato saasaan dhismaha golaha wasiirada cusub. Barlamaanka ayaa laga wardhowarayaa jawaabta ay arintaan ka bixiyaan. Dastuurka Galmudug ayaa dhigaya inuu Madaxweynuhu muddo 30 cisho ku soo dhiso golaha wasiirada.

received_10208180623632113 received_10208180626272179 received_10208180624712140 received_10208180622112075 received_10208180615031898 received_10208180613631863 received_10208180613551861 received_10208180612631838 received_10208180612551836 received_10208180611311805 received_10208180610671789 received_10208180610591787 received_10208180609431758