Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Mareykanka oo muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaayay.
C/raxmaan Jaamac Barre, ayaa ku geeriyooday magaalada San Diego ee gobolka California, sida ay xaqiijiyeen ehelada Marxuumka oo Warbaahinta la hadlay.
Cadiraxman Jamac Barre ayey da’diisu aheyd 79 sano, Wuxuu xilal ka soo qabtay dowladii kacaanka, isaga oo soo noqday Ra’iisal Wasaare ku xigeen, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda.
Marxuumka geeriyooday ayaa ifka wuxuu kaga tagay caruur gaareysa 15 oo isugu jirta Gabdho iyo Wiilal oo qaybo kala duwan oo dunida ah ku kala nool.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa ka tacsiyadeysay geerida ku timid Ra’iisal Wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan.
Marxuumka Eheladiisa, ayaa sheegay inay qorsheynayaan aas Qaran in loo sameeyo, inkastoo aanan la ogeyn meesha lagu aasi doono.