Weerar dad lagu laayey oo ka dhacay Muqdisho.

Wararka Maanta

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari marayey agagaarka isbitaalka Digfeer Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, Gaari dadka lagu laayey ayaa waxaa saarnaa 7  ruux oo isku qoys ah, ilaa 2 ayaa dhintay, halka 5 kalena dhaawacmeen, dableyda ayaa goobta ka baxsaday .

Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan C/fataax Bishaar oo la hadlay saxaafadda aayaa sheegay in laba ruux ay geeriyootay, halka dad kale oo dhaawac ahna loo qaaday isbitaalka. Wuxuu sheegay dabley hubaysan inay beegsadeen dadkaan oo dhamaantood dad shacab ah, illaa haddana aysan garaneyn sababta dadkaan loo beegsaday.

Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay weerar dilal qorsheysan oo ay fuliyaan kooxo aan la aqoonsan, Muqdisho ayaa la isku dilaa arimo badan, waxaana dilalka qaar sal ku hayaan arimo ganacsi mid qabiil.