Ku soo dhawaada Aqalka Golaha shacabka.

Wararka Maanta

Xaruunta Golaha shacabka oo ah halka ay fadhiistaan xildhibaanada qaranka oo ah hayada ugu sareeysa sharci dajinta qaranka.ilinka hore waxaa ku qoran ku soo dhawaada ( welcome). Alabaabkani waxa uu ku soo xasuusinayaa, sawirkii caanka ahaa ,khiyaaligana ahaa ee dhawr qarni ka hor farshaxaniiste Devinji ,uu sawiray Naarta ,kadibna irida uu uga dhajiyay Tabeele weeyn oo ay ku qoran tahay “ kuwa Galayoow isla hilmaama raja kasta oo ah in aad ku dhax badbaadiin” .

Waxa uu aqalku lahaa laba Hool oo waaweeyn oo lagu shiro, iyo kan weeyn oo xildhibaanadu fadhiisan jireen oo u dhisan sida baarlamaanada aduunka ( waxaa dhisay EU) oo qofka hortaada fadhiyo kaa qarin maaya waxa hortaada ah, kaa badalkiisa waxaa la dayac tiray hoolkii hanuuninta waxaa loo fadhiyaa garba siman, qofka ku hor fadhiyo ayaa kaa qarinayo muuqaalka hortaada ah,waxaa la dhigay kuraastii baararka .

Aqalka Ummada waa la dayac tiri karaa haddi xildhibaan kasta hal bil oo kaliya mushaarkiisa laga jaro $1000. Muuqaalka dibada oo aad u fool xuna waa is badali lahaa.Taa laga sugi maayo, ee beel kastaba qofka ay soo dirsatay haka dhiibto $10 bishiiba.

( Baarlamaanka muuqaalkiisa iyo xildhibaanadu waa isku eg yihiin. Qofkii musqul ku dhax fekera barambaro ayuu kaaga sheekeeyaa, gurigaas qofkii ku dhax fekerana….) War aqalka aan quruxsano,oo dad aragti qurxoona aan keesano waaye taladeeydu ee xumaan ha u qaadan.

Isbar bar dhig 8da sawir ee baarlamaanka hadda iyo 8da sawir ee baarlamaankii hore. Xildhibaanoow xaal qaado, hadaad iga xanaaqdiin yaan mooshin la iga keenin.

Qore: Yahya Amir

FB_IMG_1502725178033 FB_IMG_1502725181221 FB_IMG_1502725184455 FB_IMG_1502725187594 FB_IMG_1502725190546 FB_IMG_1502725193469 FB_IMG_1502725196557 FB_IMG_1502725200082 FB_IMG_1502725206990