SAWIRRADA:-Rag Masjid nin ku dhex dilay oo lasoo bandhigay

Wararka Maanta

Ciidamada Ammaanka Baydhabo ayaa gacanta kusoo dhigay Saddex nin oo magaalada Baydhabo ku dilay Sheekh Maxamed Deyr oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada.

Ka dib howlgal Magaalada Baydhabo ay ka sameeyeen Ciidamada Ammaanka ayay gacanta kusoo dhigeen raggaasi oo dil Masaajid ugu dhex geystay Sheekh habeen Hore.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in Raggaasi Sharciga la horkeeni doono.

Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay gacanta kusoo dhigeen nin ka mid ahaa Saddexda nin ee dilka geysatay, waxaana intaasi ka dib ninkaasi oo ciidamada u farmuuqay halka ay joogaan labada kale, iyadoona lagu guuleystay in lasoo qabto.

Bilihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Magaalada Baydhabo waxaa ka socday dilal qorsheysan oo loo geysanayay Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya soo dooratay.