Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Geedow ayaa lagu sameeyey shaqo joojin, waxaana shaqa joojintaan amray Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Maaliyada ahna kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur Dhagaweyne, waxaana shaqa joojintan la xiriirnayaa musuq maasuq iyo wax isdaba marin.
Wareegtada shaqa joojinta ayaa lagu xusay in shaqada guddoomiyaha degmada Yaqshiid uu sii haynayo Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada degmadaas.
Waa markii labaad ee uu Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiye degmo isagoo ah kusimaha guddoomiyah gobolka Banaadir.
Horaantii bishii September ee sanadkan sii dhamaanaya ayaa wareegto uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir waxa uu shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg isagoo ku eedeeyay inuu aflagaadeeyay Xukuumadda iyo Ciidamada Booliska.
Lama oga sababta ka dambeysa in marka uu guddoomiyaha gobolka Banaadir Enj Yariisow uu safar dalka ugaga maqan yahay in shaqada laga joojiyo mid ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Xuseen Maxamed Nuur ayaa awood badan ku leh Aqalka dowladda Hoose Xamar, waana gacanta midig ee Ra’iisulwasaare Kheyre u maamusha gobolka Banaadir, Xuseen oo ah gudoomiye ku xigeen 2aad ayaa ka awood badan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo ku xigeenkiisa 1aad Tuulax.