Muqdisho:Qasaare ka Dhashay Dagaal Dhexmay Ciidanka Dowladda

Wararka Maanta

Laba ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsanaa ciidamada Militariga Somaliya, halka ruuxa kalena ay aheyd haweenay shaah ku iibinaysay meel aanan ka fogeyn Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho, kadib iska hor imaad halkaasi ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan Militariga iyo ciidanka xasilinta ayaa ku dagaalamay Isgoyska Tarabuunka, iyadoo ciidamada xasilinta ay weerareen ciidankaan Militariga oo maalmihii la soo dhaafay muran dhanka dhulka ku saabsan ka waday nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka.

Saraakiisha Hay’addaha ammaanka ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ciidamada Miitariga ka tirsan ee hubka haysta kuna sugan nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka, taasi oo keentay in ugu dambeyn maanta weerar lagu qaado.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa rasaastii labada dhinac ay iswaydaarsanayeen inuu ka dhashay khasaare dhaawacyo ah oo ciidamada soo gaaray.

Ciidamada xasilinta ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa ammaan ka dhigay magaalada, kadib hawlgalo hub aruurin iyo bartilmaameed shaqsiyaad amnidaro waday oo Magaalada laga sameyay.