Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in nin hubeysan uu madaxa ka toogtay Iimaamka iyo saaxibkiisa, kadib markii ay ka soo baxeen salaadii casir, Nin u dhashay Bangladesh oo Iimaam ka ahayaa lagu magacaabaa Maulana Akonjee oo 55 jir ah, iyo saaxibkiis oo lagu magacaabo Thara Uddin oo isna 64 sano jir ah, waxayna labadana xirnaayeen khamiis xilliga la tooganayay.
Jaaliyada Bangladesh ee ku dhaqan magaalada New York ayaa dhigay dibad bax ay ku dalbanayaan in la soo qabto ninka ka dambeeyay dilka, lana horkeeno cadaalada.
Gabar uu dhalay Iimaamka la dilay oo lagu magacaabo Naima Akonjee oo 28 jir ah, isla markaana ka mid ah todobo carruur oo uu dhalay Iimaamka ayaa sheegtay in aanay jirin cid uu dambi ka galay aabaheed, isla markaana aanay garan karin sababta loo dilay.
Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Iimaanka xilliga la dilayay uu watay lacag dhan kun dollar, balse markii la dilay aanan lacagtaas laga qaadan.
Comments are closed.