Diyaarada Air Jabuuti oo 25-sano kaddib duulimaad rasmi ku timid Muqdisho

Wararka Maanta

Shirkadda Diyaaradaha ee Air Jabuuti ayaa maanta markii u horeysay muddo 25 sano kaddib duulimaad toos ah ku timid magaalada Muqdisho, iyadoo duulimaad toos ah bilaabeysa Muqdisho iyo Jabuuti.

Diyaaradda Air Jabuuti oo dhowaan dib u howl bilowday ayaa ka qeyb qaadan doona howlaha isu socdka dadka Soomaaliyeed ee isaga kala goosha labada dal.

Mas’uuliyiin ka tirsan Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa soo dhoweeyay in shirkadda diyaaradaha Air Jabuuti ay ku soo biirto shirkadaha caalamiga ee duulimaadka ku imaanaya Muqdisho.

Diyaaradda Air Jabuuti ayaa ka mid noqonaysa Shirkado duullimaad oo heer Caalami ah, kuwaasoo dhowaanahanba Safarro shaqo oo toos ah ka waday gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaa Caasimadda Muqdisho.

Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa aheyd diyaarada kaliya ee caalami ee duulimaad toos ah Muqdisho iyo Istanbul ku timaada.air-jabuuti1-768x576 air-jabuuti-768x576

Comments are closed.