Xil. C/raxmaan Odawaa oo ka Jawaabay hadalkii C/wali Gaas

Wararka Maanta

Wasirkii hore Arimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Odawaa ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ee uu ku sheegay ” Muqdisho Soomaaliya ma ahan, Soomaaliya Muqdisho ma ahan”.

Xildhibaan Odawaa ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebookga u qornaa sidan:

“Muqdisho waa Maagaalo Madaxdeena!

Waxaan dhagaystay shirkii Jaraa’id ee Madaxweyne Gaas uu ku qabtaay Dalka Imaaraatka kaas oo uu ku sheegay “Muqdisho Soomaliya maaha, Soomaaliyana Muqdisho maaha”.

Waxaan la soconaa in ay jirto kala aragti duwanaasho u dhaxaysa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Gaas oo ku saabsan khilaafka Khaliijka. Waxaan filaynay wixii eedeyn ah oo arinkaas la xiriira inuu u jeediyo maamulka federaalka ah ee talada haya.

Mudane Gaas munaasib kuma ahayn in uu Muqdisho maago, inkirana Soomaalinimadeeda, ayadoo ah meeshii uu wax ku bartay, kana shaqo bilaabay.

Buqcad kasta oo Soomaaliya ku taal waa Soomaaliya.
Muqdishana waa hooyadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Dhanka kale Hadalka Gaas ayaa kiciyey dareenka Bulshada Soomaaliyeed isagoo hareer maray dowladda Federaalka oo iskaleh arimaha xiriirka Caalamiga ah.