Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay Waqtiga Imtixaanka Dugsiyada sare

Wararka Maanta WAXBARASHADA

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay qabaneyso Imtixaanka Shaadiga ee Dugsiga sare ee sanad Dugsiyeedka 2017 iyo 2018-ka.

Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka qeyb geli doonaan 27-kun oo Arday, isagoona tillmaamay in imtixaanka uu ka qabsoomayo dhammaan maamul Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo lagu diyaariyay dalka gudihiisa la qaban doono 12-ka bisha May ee sanadkan 2018-ka, waxaana Qarashaadka ku baxaya dhammaan bixinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Dr. C/raxmaan Wasiirka Waxbarashada ayaa bogaadiyay Hay’adaha ammaanka sida hufan ee ay uga qeyb qaataan sugida ammaanka dhammaan xarumaha Waxbarasho ee lagu qabto Imtixaanaadka Dugsiyada sare ee Dowladda ay qaado.