RW khayre oo safar diyaarad ah kutagaya gobolka Bakool

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safarkiisa u horeeyay ku tagaya Gobolka Bakool, gaar ahaan magaalada Xudur ee xarunta u ah gobolka, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay Sabtidii la soo dhaafay.

Mr Kheyre ayaa dhagax dhigi doona mashaariic laga fulin doono degmada Xudur, waxaana degmadaas iyo deegaanada kale ee Bakool muddo sanad ay yihiin mid go’doon ku jirta oo diyaarad kaliya ay ku taagaan sahayda iyo raashinka.

Wararka ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaaraha uu diyaarad ku tagi doono magaalada Xudur, maadaama safarka dhinaca dhulka aanay sahlaneyn, isla markaana deegaano ka tirsan Baay iyo Bakool ay kala xiran yihiin, kaddib markii ay Al-Shabaab ay jareen waddooyinkii loo mari lahaa.

Socdaalka maanta uu Ra’iisul Wasaaraha ku tagayo magaalada Xudur ayaa waxaa ku wehlin doona Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo xubno ka tirsan Xukuumadda.