Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Casho Sharaf u sameeyey Tiiceey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa caawa casho sharaf u sameeyey Madaxweynihii hore Maamulkii Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey, Waxaa sidoo kale Cashada ka qeybgalay Gudoomiyaha Barlamaankada Galmudug Cali Gacal Casir, Madaxweyne ku xigeenkii hore Ximan & Xeeb Cabdiraxmaan Shaaticadde, iyo Siyaasiyiin kale.

Masuuliyiintaan ayaa Maxamed Tiiceey u muujiyey sida ay uga faraxsan yihiin inuu kasoo baxay xabsigii xaqdaradda ahaa, iyagoo ku booriyey inuu ka qeybqaato sidii loo hormarin lahaa dowlad goboleedka Galmudug, isagoo horey uga soo qeyb qaatay sidii bulshada Gobolada Dhexe maamul ay ku mideysan yihiin u sameysan lahaayeen.

Mr. Tiiceey ayaa la filayaa inuu dhawaan gaaro deegaanada Galmudug, isagoo booqasho ku tagi doona Magaalooyin kala duwan. Shacabka Galmudug ayaa aad u sugaya booqashada Tiiceey.