Halyeeyga Barcelona Xavi ayaa sheegay in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Leicester City Riyad Mahrez ay wanagsanaan laheyd inuu u ciyaaro kooxda reer Spain ee Barca.
ciyaaryahanka reer Algeria ayaa loogu codeeyay xilli ciyaareedkii hore ciyaaryahanka sanadka ee PFA, waxaa lala xiriirinayay inuu xagaagan inuu ka tagayo King Power Stadium ka dib markii uu door muhiim ah ka qaatay guushii lama filaanka ee Leicester ku hanatay Premier League .
Arsenal iyo Barcelona ayaa lagu xamanaayay 25-sano jirkaan, laakiin waxa uu doortay inuu saxiixo heshiis cusub oo waqti dheer naadiga lagu naaneeso Dawacooyinka.
Claudio Ranieri iyo ciyaartoydiisa Leicester ayaa ciyaari doonaa Champions League arbacada soo socota kulanka Group G ee dhanka ahkooxda Club Brugge.