Sevilla Oo Beenaysay Doonista Jesus Navas

Ciyaaraha

Madaxweynaha Sevilla Jose Castro ayaa beeniyey wararka sheegaya in kooxdiisa isku dayeen in ay dib ula soo wareegto weeraryahanka reer Spain Jesus Navas ee Manchester City  suuqa kala iibsiga xagaagan.

Navas oo 30-sano jir, ayaa 13 sano Sevilla kusoo  qaatay ka hor inta uusan ku biirin Man City xagaagii 2013, waxaana uu si degdeg ah uu 150 kulan u saftay kooxda ka dhisan Ingiriiska  tartamada oo dhan.

Waxaa la sheegay in Sevilla sameeyneyso isku day ah in ay dib u keenayaan Ramon Estadio ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka 2016-17, laakiin fikradda waxaa soo diiday Castro.

Navas ayaa dhaliyay 34 gool 388 kulan uu u saftay kooxda koowaad ee Sevilla intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2013.