Barcelona Oo Dhameystirtay Saxiixa Philippe Coutinho

Ciyaaraha

Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa Philippe Coutinho heshiis shan sanno iyo bar ah iyagoo ka la wareegay Liverpool.

Hogaamiyayaasha La Liga ayaa waayay ciyaaryahanka reer Brazil intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagan bilowgiisii  inkastoo ay bixisay saddex dalab lacageed oo badan, laakiin hada ayey labada dhinac ku hishiiyeen heshiis lagu qiimeeyay 142 milyan ginni.

Liverpool ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaareen Barcelona oo ku saabsanaa iibinta 25 jirkaan, islamarkaana daqiiqado ka dibna kooxda reer Spain ayaa faahfaahin ka bixisay heshiiska ciyaaryahanka ee Camp Nou.

Coutinho ayaa qalinka ku duugay heshiis uu ku sii joogayo kooxda ilaa 2023, iyadoo qandaraaskiisa lagu burburin karo € 400m (£ 354.6m).

Coutinho ayaa dhaliyay 54 gool xilli ciyaareedkaan 201 kulan xilli ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa ee uu joogay Liverpool, isagoo Inter Milan uga soo biiray kaliya 8.5 milyan ginni sannadkii 2013.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa noqonaya ciyaaryahankii labaad ee ugu qaalisan ee ka ciyaara naadiga inkastoo Neymar,  uu u dhaqaaqay Paris Saint-Germain dhamaadka xilli ciyaareedkan.