Xarun Waxbarasho oo laga dhagax dhigay Bandiiradleey (Sawiro)

Wararka Maanta

Maadaama ay waxbarashadu fure u tahay wax kasta oo ay bulsho horumar ku gaari karto ayaa waxaa sanadihi u danbeeyay guud ahaan deegaanada gobalka Mudug ka jiray horumaro dhanka Waxbarashada ah kuwaasi oo isugu jiray maadi ah iyo diini, ayadoo taas laga duulayo isla markaana Waxbarashada la doonayo in lagu baahiyo deegaanada ay Waxbarashadu ku liidato ayaa waxaa qaar ka mida Culuma’udiinka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlad gobaleedka Galmudug waxa ay ka bilaabeen deegaanka Bandiiradleey dhismaha xarun loogu tala galay in caruurta Soomaaliyeed lagu baro culuumta diinta Islaamka si ay ula jaan qaadaan Waxbarashada casriga.

Munaasabada bilowga xaruntaan oo isugu jirta labo qeybood oo kala ah qeyb loogu tala galay in lagu barto Culuumta diinta Islaamka iyo qeyb Masjid ah oo lagu guto cibaadada Allaah SWC ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay dhagax dhiga kadib Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre oo ka mida Masuuliyiintii Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlad gobaleedka Galmudug iyo qaar ka mida Culumaa’udiinkii howshaan isku xilqaamay waxaana ay sheegeen in xaruntani ay tahay mid la doonayo in lagaga faa’ideysto Cibaadada Rabbi iyo barashada culuumta diiniga.

Masuuliyiinta iyo culuma’udiinkii madasha ka hadlay ayaa sheegay sidoo kale in cid kasta ay ka qeyb qaadan karto dhismaha Masjidka iyadoo kala soo xariiraysa Account No; GLMD 00819.

1-6-1-746x4201-1-5-746x4201-5-2-746x4201-12-2-746x4201-10-1-746x420