Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta booday xeebta Liibo Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha oo ku labisnaa dharka ciyaariha ayaa la damaashaaday bulshadii ku sugneyd goobtaas.
Madaxweynaha ayaa xaaladooda ka wareystay bulshadii uu la kulmay oo dhalinyaro u badneyd, sidoo Madaxweynaha ayaa kubad la ciyaaray dhalinyaro xeebta. Bulshada oo aan fileyn booqashada Madaxweynaha ayaa sawiro kula galay goobta.
Shacabka ayaa aad ugu riyaaqay booqashada kediska ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxayna ka codsadeen in Madaxda Qaranku badiyaan dhexgalka Bulshada.