Gedo:Sargaal ka tirsan Al-shabaab oo is isisoo Dhiibay

Wararka Maanta

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in maanta uu isku soo dhiibey sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kaasi oo hadda ku sugan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sarkaalkaan is soo dhiibay uu ahaa guddoomiyaha Tuulada Ceelgaduud ee gobolka Gedo, waxaana lagu magacaabaa Maxamed Yuusuf.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka, in sarkaalkan uu kaligiis is oo dhiibay, hadana arrintiisa ay ka arrinsanayaan saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka gobolka Gedo.

Sarkaal ka mid ahaa Nabad diidka ayaa is soo dhiibay, howlgalka la wada waxay keentay in rag badan inoo yimaadaan, wuxuu iska soo dhiibay meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen, wuxuu ahaa guddoomiyaha Tuulada Ceelgaduud, hadda ciidanka dowladda ayaa gacanta ku haya, waana laga tashanayaa arrintiisaā€¯ ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay sarkaalkan usoo bandhigi doonaan saxaafada.