Madaxweyne Xasan :" Kama tanaasuleyno Hal Taako oo ka mid ah Badda Soomaaliya"

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay marnaba ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah Badda Soomaaliyeed in la qaato, iyadoo maanta oo isniin ah Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda magaalada Hague ka bilaaban doonto dhageysiga Dacwada u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxwene Xasan Sheekh ayaa sheegay kalsooni badan ku qabaan inay guuleysanayaan, isagoo u xaqiijiyay shacabka Soomaaliyeed in badda ay tahay hanti qaran oo aan marnaba gor-gortan geli doonin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in markii hore dowladda Kenya arrintan wada hadal ka galeen, balse markii  wada hadalka la isla keeni waayay ay noqotay in Maxkamad la aado, isla markaana si la mid ah sida qawaaniinta caalamiga ay doonayaan inay ku soo dhacsadaan sida uu yiri.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay inay difaaci doonaan Badda Soomaaliyeed, isla markaana ku doodayaan wixii dadka Soomaaliyeed xaqa u lahaayeen, iyadoo aanay cid kale la dulmineyn.

Madaxweynaha ayaa habeen hore sagootiyay Guddiga goob jooga ka noqonaya Dacwadda Badda, isagoo kula dar daarmay inay dooda iyo dacwada Badda ay noqdaan kuwo mira dhala..

Dhageysiga Maxkamadda ayaa maanta bilaabaneysa oo ah 19-ka September, waxaana ay socon doontaa illaa 23-ka bisha oo ku beegan maalinta jimcaha.

Tagged

Comments are closed.