Xaflada Qalinjabinta Ardayda Dugsiga Sare Hayaan-Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Xaflad si weyn loo soo agaasimaay oo ay ku qalinjabinayaa 39 arday oo dhameystay Waxbarashada Dugsiga Sare Hayaan Cadaado iyo 17 Arday oo dhameeyey koorso caafimaad ayaa xalay lagu qabtay Hotel Central Magalaada Cadaado.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynihii hore Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey, Qurbojoog, Maamulka Degmada iyo marti sharaf kale.

Maamulaha iskoolka Hayaan Cadaado Macalin Sahal oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sanadkii Saddexaad ay soo saarayaan arday dhameysay dugsi sare, isagoo ardaydana kula dardaarmay in ay deegaankoodu wax ku bartaan.