Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Boosaaso

Wararka Maanta

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka Bari gaar ahaan duleedka magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobalkaasi.

illaa iyo laba qarax ayaa la sheegay in lala helay ciidamo ku socdaalayay wadada xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Galgala, Qaraxa koowaad ayaa lala helay gaari xamuul ah oo ay wateen ciidamada Daraawiishta Puntland.

Sidoo kale waxaa Qaraxa Labaad lala helay sarkaal sare oo ka tirsanaa qeybta Miina Baarista maamulka Puntland, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in gabi ahaanba gaariga xamuulka ah uu burburay waxaana ku dhintay darawalkii ka xaynayay, sidoo kale Qaraxa labaad waxaa ku dhintay sarkaal Puntland ka tirsanaa.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda Qaraxyadan, waxayna tilmaameen in khasaare lagu gaarsiiyay Ciidamada Puntland.