Xadka Dhulka ee Itoobiya iyo Eritrea oo la isku furay (Sawirro)

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha  Itoobiya Abiy Axmed  iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta dib u furay xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray oo xirnaa 20  sano. Talaabadan oo dib loogu furay xuduudaha labada dal ee dhanka dhulka ah ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.

Waxaa ay arrintani ka dambeysay Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo in muddo ah qilaaf ka dhextaagnaa ayaa bilaabay in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda,wixii ka dambeeyey markii hoggaanka Itoobiya uu qabtay raiiusl wasaare Abiye Axmed,kaasi oo wadamada Geeska Afrika hoggaamiyaashooda la yeeshey shirar kaladuwan oo ku aadan xoojinta iyo iskaashiga ku dhisan waxwada qabsiga.