Madaxweyne Xaaf” Shacabka guryahooda ayay Xabsi ku yihiin

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha maamulka Galmduug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Xalay Khudbad kooban ka jeediyay Shirka Wadashiga Dowladda dhexe Maamulada ayaa sheegay Muqdisho jidadkeeda boqolkiiba Soddon in ay furan yihiin, halka boqolkiiba Todobaatana ay xiran yihiin, kadib khudbad uu ka jeediyay shirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Xaaf) ammaanka Muqdisho inuu yahay mid sii xumaanaya oo shacabka Soomaaliyeed ay maxbuus ku yihiin guryahooda, sidaasina aanan loo baahneyn.

Xaaf ayaa sheegay wadada keliya ee Ciidamada Dowladda la isugu geeyay ee ammaankeeda la isku haleyn karo in dhowaan ay ka dhaceen laba qarax oo ay ku naf waayeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Madaxweyne (Xaaf) ayaa sheegay muhiim in ay tahay in wada shaqeyn dhab ah ay dhexmarto Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, si ammaanka guud ee dalka uu u noqdo mid la isku haleyn karo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay fadhiga ka kacaan, una istaagaan dalka, si loo gaaro hormaro kala duwan, Shabaabna dalka laga saaro.