Sanad guuradii 1aad ee Khilaafka Madaxda Galmudug oo la xusayo?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxa ay aheyd bishii September 2017 Markii Madaxda Galmudug ( Xaaf, Xaashi iyo Gacal) ay xilalka iska qaadeen, Waxaana hadda laga soo jooga sanad, Waxaana muuqata in uu bilowday xuska khilaafka Madaxda Galmudug.

Waxa aan ogeyn halkii ay ku dhamaatay xilka ka qaadistii Madaxda Galmudug 2017, iyagoo ugu dambeyey dantu isu geysay, kadib markii dowlada federaalku ku guuleysan waysay in ay meesha ka saarto Xaaf Ducaale sidii ay yeeshay Cali Cosoble.

Hadda howshu way ka badalan tahay, waxaana muuqata in laba magaalo ay xil ka qaadistu ka dhici doonto, Cadaado iyo Dusmareeb. Haddii Xildhibaanada u badan Ahlu Sunna ay xilka ka qaaday Casir iyo Carabey. waxaa dhici doonta in Xildhibaanada Galmudug ay ku shiraan Cadaado oo ah xarunta barlamaanka, ayna xilka ka qaadaan Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweyne cusubna doortaan.

Dowladda Federaalka ayaa isku dayaysa in markaan ay ka faa’iideysato fursadan, oo ah in Xaaf oo bulshada Galmudug nacday xilka ka tuuraan, iyagoo badalkooda wata siyaasiyiin maqaar saar ah. Sidoo kale Siyaasiyiin iyo xisbiyo Siyaasadeed ayaa arintaan u arki kara fursad dahabi oo ay talada Galmudug kula wareegi karaan.

Madaxweyne Xaaf ma haysto taageeradii uu sanadkii hore haystay, waxaana hadda kaliya taageersan Ahlu Sunna oo iyaguna doonaya in ay ku meel gaaraan.

Waxaana la cabsi qabaa in hadii ay xilka qaadis iska soo horjeedda ka dhacdo Dusmareeb iyo Cadaado, in ay dhismo doonto laba Galmudug oo hadhow waqti qaadan  doonta in la isku raadiyo.

Ma muuqato dadaal lagu daminayo mooshinada bilowday, Sidoo kale Waxaa meesha ka maqan isku tanaasul iyo danta guud la xeeriyo.

Bulshada Galmudug ayaa indha ka eeganaya burburinta Maamulkooda, Waxaana ay xaaladoodu ku sugan tahay [ Marka doontu dageyso, dadka saaran dusheeda, naxdin waysla darsaan ].