Booliska Soomaaliya oo dilay Sarkaal ka tirsan Alshabaab

Wararka Maanta

Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa Howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir waxay ku dileen  Sayid Abuukareey oo ka tirsanaa  Alshabaab, iyagoo sidoo kale dhaawacay sedex ka mid ah Maleeshiyadii la socotay oo gacanta lagu dhigay.

Abuuker Xasan Caddde oo magaca  Al shabaab u yaqaaneen uu ahaa Sayid Abuukareey ayaa Alshabaab u qaabilsanaa amniyaadka qeybta bari ee gobalka Banaadir, wuxuuna si gaara uga howlgali jiray Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, iyadoo tan iyo sanadkii 2015 uu sedex jeer ka baxsaday Ciidammada Amniga oo baadi goobayay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta u sharaxay sida uu u dhacay Howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Booliska gaar ahaan Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir ayaa yiri:-

“Ciidanka Booliska waxay maanta ku guuleysteen inay qaadaan Howlgal ay ku dileen Amiir Al shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Qeybta Bari ee Gobalka Banaadir, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacyo ah sedex ka mid ah Maleeshiyo la socotay, Ciidanka Booliska waxay doonayeen inay soo qabtaan isagoo bad qaba si Sharciga loo horkeeno laakiin weerar ayuu qaaday wuxuu ka dilay Ciidanka Hal Askari, midna wuu ka dhaawacay, ka dib danta waxay ku qasabtay Ciidanka Booliska inay talaabo ka qaadaan wayna dileen”.ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Banaadir

Horjooge Sayid Abuukareey ayaa ka dambeeyay Dilalka 3-Masuul, 5-Askari, 23-ruux oo Shacab ahaa iyo kuwa kale sida Afhayeenka Booliska uu sheegay.

Horjoogaha la dilay oo muddo ay xogtiisa hayeen Ciidammada Amniga ayaa waxaa la shaqeyn jiray oo iyagana Horjoogayaal ahaa Ciidanka Booliskana ay hore ugu guuleysteen inay dilaan Jacfar kuukaay, Liibaan Jaraaye iyo Ciisa Tarabuun oo ahaa Horjoogihii Amniyaadka Argagaxisada ee qeybta Waliyow Cadde, iyadoo kuwa kale oo la shaqeynayay ay ku jiraan Gacanta Dowlada sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble.

Sedexda Maleeshiyo ee la socotay Horjooge Sayid Abuukareey ee iyagoo dhaawacyo la qabtay ayaa la dabiibayaa Xaaladooda caafimaad, iyagoo markii ay bogsadaan Sharciga la horgeyn doono.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku daba jira Horjoogayaal kale oo ka tirsan Nabad diidka Al shabaab oo ku dhuumaaleysanaya Gobalka Banaadir sida uu sheegay Afhayeenka Booliska, isagoo kaga mahad celiyay guud ahaan Ciidammada Amniga sida wada shaqeyn buuxda ay u leeyihiin.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa taageero buuxda la garab istaagay Ciidammada Amniga, iyagoo ka carooday Weerarada gumaadka ah ee Argagaxisada Al shabaab ku qaadayeen maalmihii ugu dambeeyay goobaha lagu cibaadeysto ee Masaajida.

Isha: Sonna