Wasiirka Batroolka oo laga joojiyay Tartanka Musharaxnimada Kursiga Aqalka Hoose

Wararka Maanta

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa diiday inuu u tartamo Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka mid ahaa Musharaxiinta u tartamayay Kursiga Beesha Gaaljecel ee yaalla Jubbaland.

War saxaaadeed goor dhow ka soo baxay Guddiga ayuu ku eedeeyay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka inuu ku xadgudbay dhamaan shuruucdii iyo hab raacii u degsanaa hanaanka doorashooyinka, isla markaana uu jabiyay qodobada anshaxa xeerarka Musharaxiinta ee uu horay u saxiixay.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu isku dayay inuu laaluush siiyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland iyo inuu xalay ergadii dooraneysay uu Hotel ku soo xirtay, kana qaatay taleefanadoodi gacanta.

Doorashadii kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gaaljecel ayaa shalay dib u dhac ku yimid, kaddib is qab qabsi ka yimid ergooyinkii wax dooran lahaa, kaddib markii mid ka mid ah Guddigii doorashooyinka ay isku dayeen inay ergo aan sax aheyn ay soo geliyaan hoolka doorashada, iyadoo Nabadoonkii beesha uu ka hor-yimid.

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday Guddiga doorashooyinka Jubbaland

warqad1

3 thoughts on “Wasiirka Batroolka oo laga joojiyay Tartanka Musharaxnimada Kursiga Aqalka Hoose

Comments are closed.